Caano lise

Description

(Electric Wearable Breast Pump). Waa qalab koronto ku shaqeeya oo loogu talagalay hooyooyinka nuujinaya si ay si fudud ugu soo saaraan una ururiyaan caanaha naaska. Sida Loo Isticmaalo. 1. Dhaq gacmaha: Ka hor intaadan isticmaalin: 2. Nadiifi qalabka: Dhaq weelka caanaha iyo qaybaha kale ee la dhaqi karo. 3. Jarjargareey batteriga: Hubi inuu batterigu leeyahay awood ku filan ka hor isticmaalka. 4. Ku dheji naaska si sax ah: Ibta naaska geli bartamaha mashiinka. Haddii ibtu aysan dhexda ku jirin, waxaa dhici karta xanuun ama caano yar inay soo baxaan. 5. Ka bilow heer hoose/low: Marka hore dooro heerka ugu hooseeya. Si tartiib ah u kordhi ilaa aad ka hesho heer aad rabto. Haddii uu ku xanuun jiyo, hoos u dhig heerka ama jooji isticmaalka. 6. Muddada isticmaalka: Inta badan 10–20 daqiiqo naas kasta ayaa ku filan. Ha sii wadin haddii caanuhu istaagaan ama aad dareento xanuun. 7. Kaydi caanaha: Marka aad dhamayso, Ku shub caanaha weel nadiif ah kuna rid qaboojiyaha hadii aan horay laga isticmaaleyn. Kala fur qaybaha la dhaqi karo. Dhaq biyo diirran iyo oomo. Si fiican u qalaji ka hor inta aan dib loo isticmaalin.

Details

year
2025
brand
New brand
model
2026
warranty
true